When you hear Somaliland, you might immediately think pirates, bombings and civil war, while this is true for some parts of Somalia, it is not true for Somaliland.

Somaliland has been self governing and seeking independence since 1991. Somaliland has very friendly people, ancient history, tasty dishes and world class beaches. Although not recognised by the international community, Somaliland is a place of peace and democratic stability.

Hargeisa is the capital and biggest city in Somaliland.

Muddaharaaddo iyo rabshado ay bud dhig u yihiin qoomiyadda Oromada ee dalka Ethiopia ayaa waxa guud ahaanba ay dhirbaaxo xooggan ku noqotay dalka Ehiiopia taasi oo sababtay in Ra’isal Wasarihii dalkaasi xilka isaga dego, waxaana Saraakiisha dawladdu waddanka ku soo rogay xaalad deg deg ah (State of emergency) taasi oo macnaheedu yahay in dastuurka dalku aanu shaqeyn doonin muddada xaaladdaasi lagu jiro.

Xaaladdan ayaa ah tii labaad ee Saraakiisha Ammaanku ku soo rogaan waddanka si ay u xakameeyaan Qoomiyadaha gadoodsan ee Oromada iyo Amxaarada, waxaana qoomiyadahani ka gadoodsanyihiin Caddaalad darro baahsan iyo cabudhin joogto ah oo ay sheegeen in ay ku hayaan Qoomiyadda Tigray gu.

Dhawaan ayay ahayd markii Qoomiyadda Oromada loo aqoonsaday dastuurkana loogu daray in magaalada Addis ababa ay iyagu leeyihiin loona saxeexay, taasi oo heshiis lagula galay in ay xasaradaha joojiyaan iyadoo sidoo kalena kumannaan Maxaabiis ah oodda laga qaaday balse taasi dheg umay dhigin waana ay sii wadaan dalabkooda, waxaana ay sheegayaan dadka u dhaq dhaqaaqa xuquuqda Oromadu in aanu waxba u tarayn Ra’iisal wasaare Maqaar saar ah oo loo magacaabaa.

Xisbiga ka taliya waddanka ee EPRDF oo kala qeybsamay ayaa qeyb ka mid ahi waxa ay soo jeedinaysaa in qoomiyadahan muddaharaadaya ee Oromada iyo Amxaarada laga qaato go’aan adag islamarkaana gacan bir ah lagu wajjaho oo la xanuunjiyo madaxana laga garaaco, loona maro dariiqii uu Males Sanawi u maray sannadkii 2005 tii markii qoomiyadda Ahmaradu ay doorashooyin halkaasi ka dhacay ka bannaanbaxeen taasi oo Males Sanawi u dalbaday Ciidamada Militariga kuwaasi cagta mariyay dadkii muddaharaadayay xasuuq baahsanna u geystay.

Xubnaha kale ee ka soo jeedaqabaa’ilka kale ee ay oramadu ka midka yihiin ee xisbiga EPRDF ayaa waxa ay soo jeedinayaan mid taas ka duwan iyaga oo leh waa in xaaladda la dabciyaa dadkana la dejiyaa oo gacan qabaw lagula dhaqmaa.

Kala qeybsanaantaa Xisbiga dhexdiisa ayaa waxa ay jaahwareer ku ridday Ra’isal wasaaraha is casilay ee Haila Mariam, waxaana dadka siyaasadda Ethiopia falanqeeyaa ay ku tilmaameen in uu yahay nin go’aan qaadasho liita oo uu la mid yahay Hoggaamiyihii 1991 xukunka dalka laga tuuray ee Mingiste oo hadda ku nool dalka Zimbabwe.

Dawladda Ethiopia ayaa marka dusha laga eego Muddadii Ra’iisal wasaare Haila Mariam waxa ay ku tallaabsatay horumar xooggan oo ah dhinacyada dhaqaalaha, hub soo saarista, Tiknoolajiyadda iyo wax soo saarka dhanka Beeraha gaar ahaan Bunka, iyada oo xattaa samaysatay diyaarad aanay cidi wadin (Drone), waxyaabaha kale ee waddanku horumarka baaxadda weyn ka sameeyay waxa ka mida diyaaradda Ethiopian Airline iyo dhamaystirka 70% Biyo xidheenka ugu weyn qaaradda Afrika.

Iyada oo horumarkaasi weyni jiro haddana gudaha waddanka waxaa jirta kala qeybsanaan baaxad leh oo bulsheed, taasi oo dhalisay in qoomiyaduhu ku loolamaan gacan ku haynta waddanka iyo kheyraadkiisa, waxaana hadda waddanku ku suganyahay xaalad hubaal la’aan ah.

Haddaba Qoomiyadda Soomaalida ee dalkaasi Itoobiya deggan ayaa waxa soo food saartay Cabsi ay ka qabaan in waddanku fawdo noqdo oo uu faraha ka baxdo ama uu gacanta u galo qoomiyadda Oromada kuwaasi oo beryahanba colaad huursani ka dhex taagneyd, waxaana Soomaalida waddankaasi aad uga cabsi qabaan in Oromadu ka qabsato dhul hor leh oo ay ku soo fiddo.

Ugu dambayntii Bur-bur ku yimaadda Dalka Ethiopia waxa uu saameyn xooggan ku yeelan karaa waddamada jaarka la ah Itoobiya oo aynu ka mid nahay maadaama oo aynaan lahayn awood aynu isaga xakamayno qaxoonti baaxad leh kuwaasi oo khalkhal galin kara caafimaadkeenna guud maadaama xuduudeheennu iska furanyihiin.

Qallinkii: Muxuyadiin Maxamuud Xuseen

waxaan salaamayaa dhamaan bulshada somaliland qaybaheeda kala duwan gudo iyo debedba si gaara waxaan salaamayaa haweenka somaliland ee laf dhbarka u ah bulshadeena.

maanta waxaan qalinka u qaatay qadiyad runtii bulshadeena ama mujtamaceena somaliland ee gudaha ku soo badanaysa sida ka muuqata tirakoobka sanadahan danbe laga soo saaray xaaladaa.

qadiyadaasu waxay tahay (Kufsiga iyo tacadiyada loo gaysto haweenka iyo caruurtaba) runtii waa arin xanuun badan oo xataa maqalkeeda aad ka yaqyaqsoonayso.

hadaba qadiyadaasi hadaynu dib ugu noqono taariikhdeeda waa mid aynu odhan karno waa arin iminka caalamku uu aad u hadal hayo khaasatan hay,adaha caalamiga ee xuquuqul insaanka, mid caalamiya iyo mid maxaliyaba qayla dhaan ka muujiyeen,meela badan oo caalamka ka midana ay ku sooo badatay khaasatan marka aynu ka hadlayno somaliland iyo somaliyaba.

mushkiladu waa mid faracyo badan oo u baahan in meelahay ka unkamayso xal horta loo helo iyo sababaha dhalinaya,intaynaan is waydiinin yaa ku kaca arinka,se yaa lagula kacaa,maxaa sababa ayaa muhiima inaynu is waydiino?????

si caama:

  1. horta mushkilada noocaasi waxay ka dhalan kartaa mujtamacaadka ay soo waajahdo dagaalo siday dooontoba dagaaladaasi how dhacaane.
  2. xaalad amni daro ah oo ka taagan wadan xataa hadaanu markaa ku jirin xaalad dagaal.
  3. aqoon diiniya oo dhaba oo qofkaa ka qabta arinkaa iyo akhlaaqiyaadka mujtamacaa oo luma ,markaan qodobkaa soo koobo waa mujtamacaadka ay macaasidu ku badato.
  4. jahliga ,mujtamacu markuu u badanyahay ama ku badanyahay jahligu aqoonta iyo tacliintuna ku yartahay wax waloo xad guduba wuu u noglaan karaa.
  5. xakamaynta ama qawaaniinta xaaladaha noocaasa qabta ama ciqaabta oo aan mujtamacaa u cadayn sidaytahayna hadaabay jirto oo u taalo aan loo fulin ama loogu fulin shakhsigaa gaystay denbigaa..waana ta haysata maanta bulshadeena somaliland.
  6. wacyi daro ka jiri karta mujtamacaadka iyo baylaha badan oo ka muuqata yadoo ay gabtay jihadii markaa masuulka ka ahayd qaybtoodii.

arimaha noocaasi iyo qaar kaloo badani way u noqon karaan sababo uu u dhici karo kufsigu si dadban iyo si toosaba.

hadaba mujtamaceena somaliland maxaynu odhan karnaa asbaabahaa wax baa kaga jira oo saamayn ku yeelan karta in qadiyadaasi inagu badato ,waxaan odhan karaa qodobka 1iyo 2 mooyaane inta kaloo dhami waan u arkaa ra,yigayga inay saamayn wayn ku leedahay qadiyadaasi inay inagu soo badato .

suaalaha danbee is waydiinle waa laba:

  1. yaa kukaca iyo
  2. yaa lagulakacaa ama loo gaystaa dhibtaa oo u nugul?

1- kuwa ku kacaa horta waa raga sida cad ee muuqata nooc walba le, mid yar iyo mid waynba ,lakiin waxaa u baahan sharaxaad kooban in horta ay afraadaasu laba nooc tahay

A- shakhsi noloshii ka dhacay oo aan waxba xeerinayn akhlaaqiyaadkii iyo waasic diinigiina ka aradan oo ulakac iyo kas u samaynaya arintaa dana ka lahayn dhibta qofkaa uu gaadhsiinayo .

B-Shakhsi isaga ay u gaynayso inuu gaadho uun raqbadiisa si walba badankana u badan dhalinyarada dariiqii saxa ahaa ka baydhay tarbiyad wanaagsana ama daryeel waalid iyo mid mujtamacba aan helin .kan waxaan odhan karaaba waa ciyaayir baa u geeya isagoon ogaynba ama ahamiyad siin dhibta ka imanaysa isaga iyo shakhsiga muctadiga ahba.

2- yaa lagula kacaa ,way cadahay cid dhibtaa loo gaystaa waa laba qolo oo u nugul dubwaloo dhacda,waa haweenka iyo caruurta.

hadaba mujtamaceena markay mushkiladaasi sidaa iminka laga soo werinayo ay inoogu badatay , maxaa xalku yahay?

  1. in horta waciyi gelin balaadhan la sameeyo mujtamacoo dhan qaybihiisa kala duwan ilaa iskuulada.
  2. dhibta kalee u baahan in wax laga qabtaa waa ta xeerkan dhaqan ee xuquuq badan dadka noocaasa ama dhibanayaasha ka lumiyey marka lagala baxo qadiyada hay,adaha u gaarka ah ee la geeyo geedka,,,AKHRISTOW WAA SUAALE??? MA MACQUULBAA IN QOFKII HAWEENKA AHAA EE DHIBTAA IYO XANUUNKAA LOO GAYSTAY LAYAAHO KII UGAYSTAY HALOO XAREEYO!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! miyaanay ahayn meelka dhac iyo dulmi.
  3.  in la cadeeyo oo la qeexo ciqaabta ay mutaysanayaan dadkaasi ama mujrimiintaasi laguna baahiyo saxaafada.
  4. dadka oo u soo noqda akhlaaqdii iyo diintii aynu sida fiican ugu dhaqmi jiray wakhtigii hore taas oo inoo suurta gelisay inaynaan aqoonba ama ay aad inoogu yarayd dhacdooyinka noocani .
  5. waxaa inagu cusub oo layaable caruurta oo loo gaysto tacadiga noocaasa arintaa waa in si adag looga hortagaa.
  6. In xal amniya iyo mid bulshaba laga gaadho da,yartan iminka magaaloyinka waawayn kusoo badanaysa ee dhibaatada badan ku haysa bulshada kuwaas oo koox koox isuraaca tacadiyo uu kufsiga iyo qadiyadan aan ka hadlayo gaysta badiba ,yaga laftooduna is dhibaateeya oo dagaalama.

Guntii iyo gabagabadii waxaan ku adkaynayaa xukuumada maanta talada haysa iyo mujtamacaba qadiyadaa hadaan maanta wax laga qaban way inala fogaan ,in la xakameeyo weeye oo dhaqankan xunee arinka laga saarayo hay,adaha u gaarka ah ee geedka lala tegayo la joojiyo ,ciqaabtu waa inay ku cadaataa oo uu gartaa qofka gaystay dhibtaasi inay ciqaabta noocaasi u danbayso.

saxaafada waxaan leeyahay arintan waa inaa si fiican u soo bandhigtaan oo laga qayb geliyaa hay,adaha xuquuqil insaanak ,aqoonyahanka,culumaau diinka ,siyaasiyiinta,haweenka ,oo mujtamaca laga wacyigeliyaa lana lafa guraa arinka sida ugu dhakhsaha badana loo guda galaa.

allaa Mahadlle…

abdirashid osman
abdirashidsmn@yahoo.com
Dubai 00971506972985

The Republic of Somaliland is recognised as an autonomous region in Somalia’s northwestern region. Since it broke away from Somalia in 1991, it has held five successful elections.

Such an electoral record, despite extensions and delays in almost every case, is enviable by regional standards. And as a result, Somaliland has garnered significant donor support.

The November 13 polls followed the same script. Although they were twice delayed, only minor irregularities were reported by the international observer mission. These included vote buying and lack of secrecy during voting.

Unlike previous elections, however, the 2017 presidential contest marked the highest stakes yet, that revealed deep cracks in the country’s revered consensus politics.

Election day itself proceeded peacefully. 78.85% of the 704,089 registered voters who had collected their cards participated in the election. And for the first time elections were held in parts of Sool and Togdheer. These are the insecure border regions that are disputed between Somaliland and Puntland (now a member state of the Federal Government of Somalia).

Yet, the process was marred by incendiary party rhetoric and violent protests before and after the elections. The protests were largely youth-led, with a number of casualties reported.

Both parties seemed unable to contain their supporters, or instil popular confidence in the process. Voters were deeply divided along clan and party lines.

The electoral commission’s four-day social media ban and delay in releasing provisional results (nearly a week after the polls) provided ample room for rumour mongering and confusion.

By election night both the main opposition party – Waddani – and the ruling Kulmiye party were celebrating a win. False results circulated on Whatsapp the next day suggesting a win for Kulmiye. Waddani reacted quickly by challenging the impartiality of the process.

Seemingly emboldened by the Kenya example, the opposition party claimed that Kulmiye had circulated fake ballot papers. It threatened to suspend cooperation with the election commission. No formal complaint was filed at the Supreme Court but Waddani had succeeded in bringing opposition supporters to the streets in unprecedented numbers.

The final announcement of results on November 21 confirmed that Kulmiye’s Muse Bihi Abdi had won by a margin of nearly 80,000 votes. Back in 2003, the incumbent Ahmed ‘Silanyo’ Mohamoud had conceded defeat to a much smaller margin of 83 votes. As such, it looked like Waddani’s hands were tied.

Behind-the-scenes, former statesmen and other impartial stakeholders stepped in to calm the storm and convince Waddani to concede defeat quietly.

The concession speech came on November 22, a day after the announcement of results. Opposition candidate Abdirahman Cirro called for national unity, but Somaliland’s fragile political fabric had already been put through the wringer.
Election tension

Heightened election tensions were made worse by the political inexperience of the two presidential candidates who both employed deeply polarising rhetoric. This was an unprecedented and risky combination for the country’s conservative political system.

The personal attacks between Kulmiye’s Muse Bihi Abdi and Waddani’s Abdirahman Cirro hinged both campaigns on their personalities, Somaliland’s civil war grievances, and clan divisions.

Muse Bihi harped on his war record, at one time saying

We won’t accept a candidate who has never fired a gun, and is afraid to hold one.

This suggested that the political transition could turn violent. Widespread concerns were vocalised by locals and Somalilanders in the diaspora alike.

Fierce competition was also fuelled by large amounts of money. Both parties pushed ahead with early campaigns despite the threat of hefty fines from the election commission. Payouts to constituencies, including money for drought relief, contributed to what many estimate may be the costliest election since the local council elections in 2012.
Geo-strategic weight

Somaliland’s enhanced regional standing certainly heightened the ambitions of both presidential candidates, and contributed to the high costs of the elections. Its strategic positioning in the Gulf of Aden, where Saudi Arabia is leading an offensive against Yemen, secured Somaliland massive port investment.

The USD$442 million deal signed with UAE company, DP World, in September 2017 came with additional commitments to development in Somaliland, as well as plans for a military base at Somaliland’s Berbera port.

The deal, however, is also highly politicised and dogged by corruption allegations. It closely aligns Somaliland with the UAE in the unfolding Gulf crisis and disrupts other regional alliances with Djibouti and Ethiopia. It also places Somaliland at odds with Somalia which is maintaining a neutral stance in the conflict.
Challenges that lie ahead

Musa Bihi may be the leader best-placed to steer the country away from further fragmentation and political instability. But his ability to do so will depend, in part, on his regional tenacity and commitment to conciliatory politics at home.

During the electoral process, and laudably so, the opposition galvanised momentum around righting Somaliland’s political imbalances. These include widespread corruption and nepotism that is aided by weak institutions and a political environment that stifles criticism.

Tackling these issues head on will require appointing a new cabinet void of corrupt state officials, but also a strong commitment to reforming Somaliland’s outdated political system. This means prepping legislation for holding parliamentary elections in 2019, but also opening up the political space and pursuing genuine power-sharing.

Cementing regional trade links and pursuing talks with Somalia will no doubt keep the new president busy. But these elections have revealed the desperate need to look inward, heal the nation and foster national cohesion.

Source

Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday inuu suulin doono musuqmaasuqa dalka ka jira isla markaana uu soo celin doono kalsoonida shacabka.

Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu sheegay inuu Golaha Wasiirrada ee uu magacaabayo ku xulan doono aqoon,waayo-aragnimo iyo karti.

Madaxweynaha la doortay wuxuu sidaas ku sheegay maqaal dheer oo uu Salaasadii maanta ku qoray Wargeyska caanka ah ee Financial Times, waxaana qormadan ciwaan looga dhigay “Caqabadaha Somaliland ay waajahaysaa maaha dhalanteed.”

Warbixintan oo aad u xiiso badan waxaa soo turjumay Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Dawan, Cumar Maxamed Faarax, waxaanu ka diyaariyay warkan:-

“Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Muuse Biixi oo ka hadlayay dimuqraadiyada iyo doorashadii Somaliland, waxa uu yidhi; “Toddobaadkii hore Guddida doorashooyinka madax-bannaan ee Somaliland waxay ku dhawaaqeen natiijadii doorashadii madaxtooyada ee waddanka ka qabsoontay 13kii November.

Waxay ahayd doorashadii lixaad ee xidhiidh uga qabsoontay Somaliland, illaa 2003-dii, dadweynaha Somaliland waxay ka qaybgaleen nidaamka xisbiyada badan iyo doorashooyinkii nabadgelyada u qabsoomay, kuwaasi oo 60 goobjooge oo caalami ahi caddeeyeen inay u dhacday si xor ah oo xalaal ah oo ay aqbaleen natiijadii doorashada saddexdii xisbi ee murrashaxiintoodu tartanka galeen.”

Waxa kaloo uu intaas ku daray in diiwaangelintii codbixiyeyaasha ee Somaliland adeegsatay farsamada isha bu’deeda la sawirayo ee loo yaqaanno (iris-recognition technology) uu caddaynayo sida Somaliland ay uga go’an tahay inay jeebadeeda ka maalgeliso hay’adaha dimuqraadiyada iyo isku-xukunka sharciga.

Muuse Biixi waxa uu sheegay inay sharaf u tahay isaga in ummadda reer Somaliland u doorteen madaxweynahooda shanta sannadood ee soo socda. “Waxaa ii sharaf ah in dadka reer Somaliland ii xusheen madaxweynahooda. kooxdayda xiliga kala-guurku waxay bilaabeen shaqo adag oo ay ku diyaarinayaan xaflada caleemo-saarka ee bisha fooda innagu soo haysa qabsoomaysa,”ayuu yidhi madaxweynaha la doortay.

Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyay in xasilooni darrada ay kooxda Alshabaab gayaysiisay meelaha ka baxsan xadka koonfureed ee Somaliland la wadaagto Soomaaliya iyo facaa’ilka budhcad badeedu ka wadaan xeebuhu, ay Somaliland ku kalifeen inay si adag ula socoto oo ay taageerto dedaalada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo kooxahaas.

“Maamulkayaga waxa ka go’an inaanu kharash gelino amaanka, si aanu u ilaalino shacabkayaga iyo dadka ajaanibka ah ee degan ama ka ganacsada dalkayaga,”ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweyne Biixi waxa uu tilmaamay in caqabadaha dhaqaale ee jiraa ay Somaliland ka dhigeen dalka ugu hooseeya [GDP] wax-soo-saarka gudaha (Gross Domestic Product). Waxaannu intaas ku daray in shaqo la’aantuna marayso heer aad u sareeya, gaar ahaan dhallinyarada, iyadoo Boqolkiiba Toddobaatan bulshada reer Somaliland ay da’doodu ka hooseyso 30 jir.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ku dooday inuu maalgelin doono kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland, isla markaana uu abuuri doono fursado shaqo, waxaannu yidhi “Waxaannu rajaynaynaa horumarinta waddooyinka, korontada, dekedihii hore u jiray iyo dekeddo cusub oo laga hirgeliyo xeebtayada dhererkeedu yahay 850km ay suurtogelin doonto koboc iyo isku-dheelitirka dhaqaalahayaga.”

“Maamulkaygu wuxuu ku qalabayn doonaa wasaaradda caafimaadka inkaaniyaadka aasaasiga ah, si hoos loogu dhigo heerka dhimashada caruurta. Waxa kaloo aanu ka shaqeynaynaa sidii biyo nadiif ah loogu heli lahaa degaannada miyiga ah,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Mar uu ka hadlayay dhinaca waxbarashada, waxaa uu iftiimiyay in waxbarashada la helaa ay hooseyso Somaliland, taasi oo ay kala mid tahay dalalka kale ee mandaqada. Waxa uu carabaabay inay dhiirigelinayaan xoojinta heerta tacliinta sare oo ay samayn doonaan dib u hayn. Madaxweynuhu wuxuu intaas ku ladhay in hagaajinayaan tayada waxbarashada dugsiyada hoose iyo sare.

Madaxweyne Muuse waxa uu xusay in maalgashigii DP World ay $442 Milyan gelinayso marsadda Berbera ay tahay mid muhiim u ah dedaalka Somaliland ugu jirto inay dekedda ka dhigto xuddunta ganacsiga Geeska Afrika.

“Waxaanu horumarinay ganacsiga aanu la wadaagno dalka isu-tagga Imaaraadka carabta iyo Itoobiya oo aanu sii ballaadhinayno shanta sannadood ee soo socda,”ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dawladiisu sii wadayso dedaalka ictiraaf raadinta Somaliland oo uu samayn doono inuu ku xoojiyo qorsheyaal mucayin ah oo ay ka mid tahay inay dalalka la yeeshaan cilaaqaad ku dhisan laba dhinac.

Madaxweyneynuhu wuxuu amaanay madaxweynaha uu xilka kala wareegayo ee Axmed Siilaanyo oo uu sheegay inuu isku hawlay amaanka qaranka iyo maalgelinta Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa caddeeyay qorshihiisa la xidhiidha suulinta musuqmaasuqa ka jiray Somaliland toddobadii sannadood ee la soo dhaafay. Waxaanu intaas ku daray inuu xiddida u siibi doono oo uu uga shaqeyn doono danta bulshada sida ugu wanaagsan.

“Golaha wasiirrada ee aan soo magacaabayo, waxaan ku soo xuli doonaa aqoontooda, waayo-aragnimadooda iyo kartidooda, kuwaasi ay ka koobnaan doona bulshada Somaliland oo dhan,”ayuu yidhi Muuse Biixi, waxaanu balanqaaday inuu soo celinayo kalsoonidii bulshadu ku dooratay.

cabdiqaadir jiciir

cabdiqaadir jiciir

Waxaan maqaalkan igu kalifay in aan qallinka ugu qaato oo aan wax ka qoro, halka ay marayso xaaladda dalka siyaasadda iyo nolosha bulshadeenu inay tahay mid kaaf iyo kala dheeri ah. Taas oo aannu damiirkaagu si siinayn, marka aad telefiishannada baahintooda daawanayso aad ku arkayso iyaga oo bulshada uga warramaya, xisbi hebel ayaa qolo ka soo baxday xisbi hebel ku biiray ama la leeyahay; xisbi hebel baa lagu digo-rogtay, oo xisbi hebel ayaa lagu digo-rogtay.

Arrintani waxay u ahayd oo soo cusboonaatay, siina dardargeliyey, kadib markii Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ay muwaadiniinta u iclaamiyeen qaadashada kaadhka codbixinta doorashadooynka la filayo inay ka qabsoomaan dalka, taas oo sabab u noqotay in waqtil-xaadirkan xisbiyadu qaranku horseedaan bilaabitaanka ololaha doorashada.

Haddaba, aragtida siyaasadeed ee dalku ku sugan yahay, waxay meesha ka saaraysaa xaaladda danyarta Somaliland ku sugan tahay, taasoo marka aynu eegno jawiga maceeshada ay ku nool yihiin uu yahay mid bakhtigu xallaal u yahay, kadib markii dollarkii cirka isku shareeray ee lacagtii dalkuna nonqotay mid dhulka lala galay oo aan waxba tarayn.

Ugu dembeyntii, maqaalkaygan waxaan ku soo af-meerayaa, dan-yartii dalkuba dab may shidane, durbaannada la tumanayo, isma qabanayaane aynu ka dayno, waar miyaa la innaga waayey cid dalkan iyo dadkan ka naxaysa oo in uun tudhaale u haysa. Bal adba!

Cabdiqaadir Jiciir – Hargeysa

Muuqaal ahaan markaad ku eegto indho caafimaad qaba, waxa ay maskaxdaadu soo celinaysaa inuu magaalada nin waalan ka qoran yahay, balse waa aqoonyahan ilaahay ku manaystay hadal-yaqaanimo iyo bulsho dhexgal. Wuxuu xidhan yahay koofiyad noocan fooda hore dheer, badh ka mid ah timihiisa oo raamo ah ayaa dul saaran labada dhagood, wejigiisa waxa ka sookeeya hadh madow, oo way adagtahay inaad si dhamaystiran u aragto wejigiisa, madow aw-geed. Wuxuu soo saaray laba indhood oo aad moodo in lagu dhibqiyey isbiirtada cas. Shaadh isku darsaday uskag iyo jacdad ayuu si qaab daran u xidhan yahay.

Surwaal qaybta hoose waxa googooyey kabaha, oo xaga hoose ka maray labada kabood ayuu ku lebisan yahay, oo miyuu surwaalka kor u qaad sowkan xaga hoose ka madhay isagoo cusub? Mooyi malaha isagaa inooga jawaabay. wuxuu noogu soo galay Hool aan ku haynay hawl aqooneed oo bulsho badan kulmiyey. Markuu ka soo galay albaabka ayuu markiiba lugta ku dhuftay koob madhan oo shaah laga cabbay oo kuraasta ag-yaalay, shanqadhii koobka iyo muuqiisa madow ayaanu hal mar wada eegnay. Halkii uu burburka koobka ka qaadi lahaa ayuu soo saaray ilko madoobaaday oo aad moodo dhuxul girgire saaran, markaasuu yidhi” kana maxaa na hordhigay.” Wuxuu fadhiistay meel aan naga fogayn.

Nin aqoon fiican u leh, ayaan si hoose iigu yidhi” ninkaa aad ka naxaysid muuqiisa waa aqoonyahan aan laga xiiso goyn markuu afka kala qaado.” Haye. Markaa maxaa sidan u galay, ee uu isu-habayn waayey, ayaan su’aalay. Wuxuu iigu af-celiyey “ wadanaha ayaa igu caddaaday, sidii aan wax ugu sheegayey. Mid wax qaaadanaya maaha, dhiiga laga qaad “, ayuu sii niyad jab ah iigu qanciyey. Weliba waxa soo gala lacag fiican nolol ahaan, balse wuxuu lacagtaasi u leexiyaa meelo aan laga sheekayn Karin, ayuu ii raaciyey. Waan gartay, waxa aan filayaa hadhkan ka sookeeya waxa sababay maydhasho la’aan iyo cibaado la’aan is-biirsatay.

Haa walaal waa sidaasi, waxa aan kaga yaabay heerka uu tumashada ka gaadhay waa ninka aaminsan caqiido ku aroorta diin iyo dadnimo la’aan, taaso dhiiragelisa macsida, oo ah waa inaad sii daysaa baahidaada labnimo. Acuudu bilaa, iimaanka lagaa qaad, waar inaga daa yeynaan dambi ka shaqaysane. Muddo ka dib ayuu la wareegay makarafoonkii lagaga hadlayey madal aqooneedii. Qacdii hore ee araga la yaab, oo si hoose loo xamay, muxuu ahaa qofkani?. Mooyi. Dee kani malaha caadi maaha, oo waa cilaaj ( waali)?, maya marka hore aynu sugno. Oo kan inkaartii ayaa ka soo if-baxday, bisinka, sug ha ka hordhicin, aynu eegno, sowtii hore loo yidhi” barasho horteed ha I nicin”.

Waa runtaa, adigaa iga hagaagsan. Mise bilowgii hore ayuu ku yidhi hadallo isku toosan oo tusaale iyo aqoon ku dhan tahay. Fajac oo muu hore noogu yimaado, waa intii naga dhinayde. Tusaalihii hore ee uu bixiyey, ayuu ku bilaabay “ aqoontu maaha hadaf, balse waa shay hadafka lagu gaadho. Siduu yidhi Hilter. Laakiin inaga (Soomaalida) ayaa u fahanay aqoontu inay tahay hadaf, waan halkay sartu ka qudhuntay ee ay tahay in boogaha laga dhayo.” Cajiib bal eega siday aqoontu uga soo burqanayso, si hoose ayaan isha u mariyey bulshadii madasha ku sugnayd mise waa dadkii oo aad moodo inuu sayloon ku socdo, oo aan dhaqdhaqaaq lahayn. Mar kale ayuu dhalinyartii dareensiiyey inay noloshu tahay tiir dhexaad, wuxuu tusaale u soo qaatay oo uu yidhi” nin Proffessor ah, ayaa la weyddiiyey, waa maxay noloshu? Wuxuu ku jawaabay, noloshu waa tartan ee isku day inaad ku guulaysatid. Sacab badan ayaa u dhacay hadalkaasi.

Ka dib waxa hadalkiisa laga dareemayey inay dhuuntu qaalashay, oo markiiba wuxuu isla-gaadhay biyo, Sababta dhuun qalalka ayaa lagu sheegay inay tahay jaadka iyo soo jeedka habeenkii. Markii uu dhuuntii qooyey, ayuu hadalkiisii sii watay, intuu waxoogaa yara joojiyey ayuu yidhi” malaha waan idin dawakhiyey.” Maya, xaasha, ayaa loogu af-celiyey. Markaasuu yidhi” koley mid hoosta iga karhay la waayi mayo.” Halkaasi inta aynaan ka bixin ayaa waxa dhacday beri ayaa in si weyn loo soo dhaweeyey oo xaflad ballaadhan loo qabtay. Ka dib markii uu soo galay xafladii ee uu doonaayey inuu fadhiisto goobtii loo sii diyaariyey, ayey afar nin oo ka mid ahaa guddigii soo dhawaynaysa ayaa hal mar kor-u-qaaday si farxadeed, mid ka mid ah ayaa xiniinyaha si hoose u jiidayey, markaasuu xannuunsaday, ka dibna wuxuu yidhi” waar I dhiga waan ogaaday, ninba halkuu I hayey.”

Qosol iyo sacab ayaa loogu deeqay, markaa waxa aan uga socdaa kolayba nolosha way ku jirtaa caqabado. Intii aan hadlayey marna ma iga maqasheen eray af-qalaad ah. Af-faranji ha noqdo amma af-carabi? Maya ayaa loogu af-celiyey. Markaasuu yidhi” dad badan oo Soomaali ah waxa ka dhaadhacsan in is-dhexgelinta Af-soomaaliga iyo luuqad shisheeye ay tahay ilbaxnimo iyo aqoon badnaan, balse waa liidasho iyo liciifnimo. Lama diidana inaad barato afafka kale, balse farriintaadu waa inay af-somaali ku baxdaa si bulshada oo dhan u gaadho, haddii aad isku dhex-qasto af-soomaali iyo af-faranji waxa ay farriintaadu gaadhi dadka kii af-faranjiga yaqaan ee fahmaya isku dhex-qaska. Wuxuu intaasi raaciyey, horta Caadifadu miyaanay xudduud lahayn, qofka si adag u doodda, wuu caadifadaysan yahay, kii hadal kulul ku hadlaa wuu caadifadaysan yahay, gabadhii dareen cadho leh muujisaa way caadifaysan tahay… malaha aniguna waan caadifaysanahay. Markii dambe ayuu hadalka ku soo gebagebeeyey, markii hore waad iga sasteen, balse imika waad I aqoonsateen sow maaha. Halkaasi ha inoo joogto.

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com

Quruxdu waa walax la isku raacsan yahay in ay jirto, balse aan la isku waafaqsanayn waxa ay tahay iyo sida ay tahay midna, wax qeexitaan ahna aan lahayn! Ma laha meel loogu soo hagaago, mana laha goob kulmisa. Ma jiro shay ay dadka oo dhani isku raacsan yihiin inuu qurux badan yahay, mana jiro shay ay dadka oo dhani isku raacsan yahay inuu fool xun yahay. Ma jirto qurux dadka midaysaa, sidoo kalena ma jirto fool-xumo dadka midaysaa. Quruxdu waa shay uu qof weliba si u haysto, una samaystay macne isaga u gaar ah kaasi oo aanu qofina kala mid ahayn qof kale. Tusaale ahaan, haddii aad qof tusto shay aanu hore u arag, waxa uu ku odhanayaa shaygaasi wuu qurux badan yahay ama wuu fool xun yahay, tanina waxa ay ku tusaysaa in ay quruxdu tahay shay ku qaabaysan maskaxda qofka. Quruxdu mararka qaar wakhtiga ayaa ay isla beddashaa oo waxa la arkaa in walax shalay qurux badnayd ay maanta fool xumaato. Sababahaas oo dhan awgood ayaanay quruxdu wax qeexitaan ah u lahayn illaa maanta.

Haddaba, sababta ugu weyn ee keentay in midabka cas ama caddaanka ah loo arko inuu yahay mid qurux badani waa iyada oo labadaas midab ay yihiin laba xaddaaradood oo waaweyn oo midina uu hore dunida u soo maray (casaanka oo dowladihii Islaamka hogaamin jiray), ka kalena ee caddaanka ahina uu maanta dunida hogaaaminayo, waa reer Galbeedka’e.

Sida caadiga ah, dadku mar walba waxa ay wanaag u arkaan wax walba oo ay sameeyaan cidda dunida hogaaminaysa wakhtigaas ay joogaan. Tusaale ahaan, markii uu Islaamku dunida hogaaminayey, gaal iyo muslimba waxa lala bixi jirey gadh weyn, waxaana loo labbisan jiray sida ay u labbistaan dadka muslimiinta ahi. Maanta waxa loo labbistaa sida ay u labbistaan reer Galbeedku, waxa loo xiirtaa sida ay u xiirtaan reer Galbeedku, waxaana loo dhaqmaa sida ay u dhaqmaan reer Galbeed marka aad dhinac walba ka eegto xagga Siyaasadda, dhaqaalaha, sharciga iwm. Sababtaas awgeed ayuu midabka caddaanka ahi u noqday qurux, nidaamka siyaasadeed ee reer Galbeedku u noqday qurux, wax walba oo galbeed ka yimaadda ama xidhiidh la lihina qurux u yeesheen! Balse waxa hubaal ah, haddii ay wakhtiyada soo socda dadka madoobi dunida hogaaminayaan, in la arki doono dad is madoobeeyey (dad is caddeeyey ayeynu aragnee), san weyn oo ka Afrikaanka oo kale ah samaystay, dibno (bushimo) buurbuuran isku yeelay, timahooga adkeeyey oo dhinac walba Afrikaan iskaga ekaysiiyey. Aragtida quruxda ee noocan ahi waa mid wakhtiga isla beddasha oo la jaan-qaadda hadba casrigii la joogo. Markaas, cidda u haysata inuu caddaanku qurux badan yahay, waa qof ogolaaday in la aaso quruxdii maskaxdiisa ku jirtay oo qurux looga dhigo hadba ninkii dunida hogaamiya midabkiisa. Bal ha la ii sheego farqiga u dhexeeya saddexdan midab ee aynu labada shisheeyaha ahna caashaqnay, ka innoogu xigana geeska gelinnay.

Mustaqbalka, dad is madoobeeyey la arki doonee!

Qore: Maxamed Sharma’rake
sharmaake91@gmail.com

Akhristayaal waxaan halkan idin kula wadaagayaa qoraal yar oo kooban oo aan qalinka u qaatay inaan ka qoro dhacdo dareenkayga badashay idinkana aan rajaynayo inay dareenkiina iyo muudhkiinaba ay badali doonto oo ka dhacday magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, waxaana qoraalkani uu ka turjumayaa dhacdo xaqiiqo ah oo dhacday goob joogna aan u ahaa.

Saacadda Geeska Afrika waxay ahayd 5:20 Pm (Galabnimo), goobtuna waa magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, waxaana kasoo baxay goob ganacsi oo ku taalla gudaha magaalada Hargeysa gaar ahaana agagaarka shirkadda isgaadhsiinta Telesom ee ku taala badhtamaha magaalada.

Inyar markii aan dhinaca waqooyi u dhaafay shirkadaasi Telesom oo markaasi aan goob u dhaw wax kasoo iibsanayey ayaa waxay hal mar uun indhahaygu qabteen goob lagu buuqsan yahay oo qaylo iyo sawaxan xooggan ka baxayo oo waxaan sidaa u fogayn ii jirta waj-hadaydana iiga muuqata.

Intii aanan goobta lagu buuqsan yahay gaadhin kuna sii waajahanay goobtaasi ayaa markiiba maskaxdaydu waxay is waydiisay dhawr su’aalood oo ay kamid yihiin, Maxaa goobta ka dhacay? Ma qofbaa gaadhi jiidhay? Ma qofbaa qof dilay? Ma tuug baa wax xaday oo la qabtay? Ma Boolisbaa cid wax gaystay qabtay oo lagu buuqsan yahay? Mise dad baa isku laayey madaama goobtaasi ay tahay goob iska dad badan?.

Haddaba waxyar kadib markii aan goobta gaadhay ayaa waxay ishaydu markiiba qabatay laba nin oo qiyaastii aan da’dooda ku qiyaasay ilaa dhawr iyo Soddon jiro oo isku haysta goobtii lagu buuqsanaa oo ay buux dhaafiyeen dad tiro badan, waxaana maskaxdayda ka baxday su’aalihii badnaa ee aan is waydiinayey intii aan kusii socday goobta.

Labadan nin ee is haysta waxay ku hubaysanaayeen Mindiyo, waxaana markiiba ishaydu qabatay hubka ay labadan nin sitaan ee docda ugu jira oo markaasi dad goob joogayaal ahi ii sheegeen in labada nin hore iskugu soo laayeen meel kale.

Labadan nin waxa hareero taagnaa dad badan oo qiyaastii tiraddooda aan ku qiyaasay ilaa 20-25 qof oo ragg iyo dumarba iskugu jira, waxyar markii aan dhagta u raariciyey aanan ka bogtay waxa ay labadan nin isku haystaan oo markaasi ahayd qadar lacaga oo aan sidaa usii badnayn isla markaana ahayd 70 lacagta Shilling Somaliland-ka ah oo mid ahaan dayn ahaan loogu leeyahay ayaa waxa ay labadan nin is waydaarsanayaan hadalo hanjabaad ah, iyaga oo labadan nin dirqi lagu kala hayo, dadkii goobta joogayna ay awoodi waayeen in ay ka qaadaan hubkan ay isku sitaan oo markaasi mid ahaan lagu jeexay xagga Canka ilaa Margiga oo nabar wayn ka qabo, kii kalena uu leeyahay kuna hanjabayo hadalo ay kamid yihiin “Waxayga ka baryi maayee hadii aan lacagtayda laysiin oo aanu ninkani isiin waan dilayaa ama waa ka dhamaynayaa!!!!” .

Waxyar markii aan Meesha taagnaa, dadkii goobta ila joogay ee aan ugu imina aanay wali raggi kala saarin isla markaana u kala nacamlaynayaan ayaa waxa dhacday in ninkii lacagta lagu lahaa oo ah ninka nabarka qaba uu Mindidii uu sitay lasoo baxay intaasi kadibna kula soo cararay kii kale, isaga oo damcay inuu galiyo balse laba nin ay isku duubeen kana qaadeen Mindidii, waxyar markii raggii goolaaftan dhex marayay ayaa waxa goobta soo istaagtay hooyo somaliyeed oo da’deeda aan ku qiyaasay 50-55 jir, intaasi kadib waxa ay aragtay ragga Mindiyaha sita ee la kala hayo iyo mid mindiyi ku taalo oo dhiig ka da’ayo, mamadii mar qudha ayuu jawigeedii is badalay, waxaana dhawr qof oo Meesha taagnaa oo aan kamid ah ay waydiisay su’aal ahayd Maxay labadan nin isku dilayaan? Se ninka dhiigu ka da’ayo maxaa dhakhtar loo gayn waayey ee laga daawanayaa? miyey islaayeeen mise waxbay isku haystaan?. Saddexdaa su’aalood ayay si iskugu xig xiga noo waydiisay aniga iyo ragg iga soo horeeyey oo goobta taagnaa.

Inta aanan jawaab ka bixin waxii aan ka ogaa dhacdadan ee aan kusoo gaadhay ayaa nin I garab taagnaa oo markaasi iga soo horeeyey mamadii u sheegay siday wax u dhaceen isaga oo sheegay in dirqi lagu kala qabtay, hadana la kala hayo doonayaana inay is dilaan.

Hooyadii ayaa raggii kala hayey labadan nin ee Mindiyaha isku sitay canaan dhagaha ka jartay iyada oo ku muusanowday labadii nin ee lacagta isku haystay, waxaana ay mamadii bixisay lacagtii ay isku haysteen labada nin oo dhamayd 70 Kun oo shilling Somaliland ah, sidoo kalena waxay kaxaysay ninkii dhaawaca qabay ee mindidu ku dhacday, waxaana ay gaysay dhakhtar laguna dabiibay, sidaas ayayna hooyadii ku kala babaadisay labadii nin oo qudha iska jari lahaa.

Allaw hooyooyinka iyo hablahaba u naxariisto janadana ugu bushaaree idam alle!!!!!!!!!!!.

Qalinkii:- Cabdifataax Xareed
Xareed101@gmail.com

muwadin

muwadin
salaasada ee afartii bishan July, kaddib markii aniga iyo koox suxufiyiin ah aanu safar aqoon korodhsi ah ugu baxnay tuulada Xaraf ee duleedka galbeedka ee magaalada Hargeysa. Safarka oo ay nagu wehelinayeen macallimiin u dhalatay dalka Jarmalka kana socotay Telefishanka DW News ee fadhigiisu yahay dalkaasi jarmalka oo aqoon korodhsiga bixinaayay ama tababarka ayaa waxa aanu magaalada Hargeysa ka ambo baxnay siddeedii subaxnimo anagoo halkii aanu u soconay oo ahayd Xaraf gaadhnay abaaro sagaalkii iyo badhkii subaxnimo.

Safarka oo qaatay saacado kooban ayaa markii aanu tagnay tuulada Xaraf waxaanu durba horay ka galnay ujeedadii aanu halkaasi u tagnay oo ahayd in aanu muuqaallo kala duwan kasoo duubno deegaanka Xaraf oo booyadaha biyuhu magaalada Hargeysa ay uga soo dhaamiyaan.

Tababarka ama aqoon korordhsiga oo ku saabsanaa qaabka sawir qaadista ayaa waxa aniga iyo kooxdii suxufiyiinta ahayd halkaasi ka samaynay muuqaallo iyo sawirro kala duwan oo ku saabsanaa mawduucii aanu u tagnay deegaanka Xaraf, iyadoo macallimiintii jarmalka ahaa ee nala socday ay iyaguna markasta noo ahaayeen kuwa na hagaya oo hadba wixii talo iyo tusaaleyn ah na siinaya.

Muddo markii ay socotay shaqada muuqaal qaadista ama sawir qaadista ee na loogu talo galay in aanu ku tababarano ayaa waxa ay gaadhay wakhtigii aanu nasan lahayn ama aanu yar nusu-saacayn lahayn, waxaana aanu dib ugu soo noqonay baskii ama gaadhigii aanu usoo raacnay magaalada oo ay noo sii taallay waxoogaa cunto fudud ah oo na loogu talo galay in aanu cuno wakhtiga nasashada.

Kaddib markii qaarkayo ay cuneen ama ay laasteen cuntadii fududeed oo ka koobneed sharaab nooca caagadaha ah iyo Saanweej ayaa waxa ay bilaabeen in bacihii iyo caagadihii ay sharaabka ka dhameysteen ay ka tuuraan daaqadda baska iyagoo ku dhex tuuraya Beer ka ag dhaweyd gaadhiga aanu saarnayn ee baska.

Mid kamid ah labadii macallin ee tababarka bixinaayay ee Jarmalka ahaa ayaana arkay falka ay ku dhaqaaqeen ardaydiisii ee ah inay caagadihii iyo qashinkii kale ee ay cuntada ka cuneen ku tuureen isla goobtii ay joogeen oo ahayd goob beer ah, waxaana uu bilaabay macallinkii in uu baska ka dego oo uu gacantiisa kusoo guro caagadihii madhnaa ee ay sharaabka ka cabeen ardaydu iyo qashinkii kale isagoo aad wajigiisa ka dheehan karto sida uu uga xumaaday falka ay ku dhaqaaqeen ardaydiisu.

Markii aanu aragnay shaqada uu bilaabay macallinku ayaa waxa ay nagu noqotay anfariir iyo naxdin waxaana aanu bilownay in aanu gurno hadhaaga qashinkii ku daatay beertii aanu ka ag dhaweyn kuwo naga mid ahina waxay bilaabeen inay ku tiraabaan hadallo muujinaya sida ay u damaqday ninka aan muwaadinka ahayn ee gartay waxa ay garan waayeen muwaadiniintii waddanka u dhalatay “isagoo Ajnabi ah ayuu innaga wadddanisanaaday taasi waxay ceeb ku tahay innaga” mid naga mid ah ayaa sidaas yidhi.

Sheekadan aan idiin soo qaddimay kuma koobna oo kaliya dhacdadaas oo kaliya ee balse waxaynu isla wada ognahay dhammaanteen in heerka waddaniyada ee dadkeenu uu aad u hooseeyo marka loo eego dadyowga kale ee wadamada dunida innala midka ah, waxaanad moodaa marka aad u fiirsato dhaqamada iyo qaab nololeedka dadkeena in heerka waddaniyada ay aad ugu hooseeyaan. Anigu lama yaabo badanaa dadka muwaadiniinta ah ee aan waddaniyiinta ahayn sababtuna waxay tahay Manhajka waxbarashada ee dalkeena ayaaba kuba salaysneen Waddaniyad mana ku jirto inta aan ka ogahay maadada ama xiisadda Waddaniyadu taasina waxa la odhan karaa waa sababta ka dambeysa in dadka badankoodu aanay noqon muwaadiniin waddaniyiin ah.

Haddaba, xukuumadda gaar ahaan wasaaradda waxbarashada waxaan usoo jeedin lahaa in ardayda da’ yarta ah ee ku jirta waxbarashada dugsiyada iyo jaamacadaha loogu daro maadooyinka ay dhiganayaan maadada Waddaniyada si ay u noqdaan kuwo dalkooda jecel oo kalsooni ku qaba , lana baro xaqa uu dalku ku leeyahay iyo ka ay iyagu ku leeyihiin.

W.Q: Khaalid Foodhaadhi
Khaalidfoodhaadhi@gmail.com
Hargeysa, Somaliland.