Muddaharaaddo iyo rabshado ay bud dhig u yihiin qoomiyadda Oromada ee dalka Ethiopia ayaa waxa guud ahaanba ay dhirbaaxo xooggan ku noqotay dalka Ehiiopia taasi oo sababtay in Ra’isal Wasarihii dalkaasi xilka isaga dego, waxaana Saraakiisha dawladdu waddanka ku soo rogay xaalad deg deg ah (State of emergency) taasi oo macnaheedu yahay in dastuurka dalku aanu shaqeyn doonin muddada xaaladdaasi lagu jiro.

Xaaladdan ayaa ah tii labaad ee Saraakiisha Ammaanku ku soo rogaan waddanka si ay u xakameeyaan Qoomiyadaha gadoodsan ee Oromada iyo Amxaarada, waxaana qoomiyadahani ka gadoodsanyihiin Caddaalad darro baahsan iyo cabudhin joogto ah oo ay sheegeen in ay ku hayaan Qoomiyadda Tigray gu.

Dhawaan ayay ahayd markii Qoomiyadda Oromada loo aqoonsaday dastuurkana loogu daray in magaalada Addis ababa ay iyagu leeyihiin loona saxeexay, taasi oo heshiis lagula galay in ay xasaradaha joojiyaan iyadoo sidoo kalena kumannaan Maxaabiis ah oodda laga qaaday balse taasi dheg umay dhigin waana ay sii wadaan dalabkooda, waxaana ay sheegayaan dadka u dhaq dhaqaaqa xuquuqda Oromadu in aanu waxba u tarayn Ra’iisal wasaare Maqaar saar ah oo loo magacaabaa.

Xisbiga ka taliya waddanka ee EPRDF oo kala qeybsamay ayaa qeyb ka mid ahi waxa ay soo jeedinaysaa in qoomiyadahan muddaharaadaya ee Oromada iyo Amxaarada laga qaato go’aan adag islamarkaana gacan bir ah lagu wajjaho oo la xanuunjiyo madaxana laga garaaco, loona maro dariiqii uu Males Sanawi u maray sannadkii 2005 tii markii qoomiyadda Ahmaradu ay doorashooyin halkaasi ka dhacay ka bannaanbaxeen taasi oo Males Sanawi u dalbaday Ciidamada Militariga kuwaasi cagta mariyay dadkii muddaharaadayay xasuuq baahsanna u geystay.

Xubnaha kale ee ka soo jeedaqabaa’ilka kale ee ay oramadu ka midka yihiin ee xisbiga EPRDF ayaa waxa ay soo jeedinayaan mid taas ka duwan iyaga oo leh waa in xaaladda la dabciyaa dadkana la dejiyaa oo gacan qabaw lagula dhaqmaa.

Kala qeybsanaantaa Xisbiga dhexdiisa ayaa waxa ay jaahwareer ku ridday Ra’isal wasaaraha is casilay ee Haila Mariam, waxaana dadka siyaasadda Ethiopia falanqeeyaa ay ku tilmaameen in uu yahay nin go’aan qaadasho liita oo uu la mid yahay Hoggaamiyihii 1991 xukunka dalka laga tuuray ee Mingiste oo hadda ku nool dalka Zimbabwe.

Dawladda Ethiopia ayaa marka dusha laga eego Muddadii Ra’iisal wasaare Haila Mariam waxa ay ku tallaabsatay horumar xooggan oo ah dhinacyada dhaqaalaha, hub soo saarista, Tiknoolajiyadda iyo wax soo saarka dhanka Beeraha gaar ahaan Bunka, iyada oo xattaa samaysatay diyaarad aanay cidi wadin (Drone), waxyaabaha kale ee waddanku horumarka baaxadda weyn ka sameeyay waxa ka mida diyaaradda Ethiopian Airline iyo dhamaystirka 70% Biyo xidheenka ugu weyn qaaradda Afrika.

Iyada oo horumarkaasi weyni jiro haddana gudaha waddanka waxaa jirta kala qeybsanaan baaxad leh oo bulsheed, taasi oo dhalisay in qoomiyaduhu ku loolamaan gacan ku haynta waddanka iyo kheyraadkiisa, waxaana hadda waddanku ku suganyahay xaalad hubaal la’aan ah.

Haddaba Qoomiyadda Soomaalida ee dalkaasi Itoobiya deggan ayaa waxa soo food saartay Cabsi ay ka qabaan in waddanku fawdo noqdo oo uu faraha ka baxdo ama uu gacanta u galo qoomiyadda Oromada kuwaasi oo beryahanba colaad huursani ka dhex taagneyd, waxaana Soomaalida waddankaasi aad uga cabsi qabaan in Oromadu ka qabsato dhul hor leh oo ay ku soo fiddo.

Ugu dambayntii Bur-bur ku yimaadda Dalka Ethiopia waxa uu saameyn xooggan ku yeelan karaa waddamada jaarka la ah Itoobiya oo aynu ka mid nahay maadaama oo aynaan lahayn awood aynu isaga xakamayno qaxoonti baaxad leh kuwaasi oo khalkhal galin kara caafimaadkeenna guud maadaama xuduudeheennu iska furanyihiin.

Qallinkii: Muxuyadiin Maxamuud Xuseen