waxaan salaamayaa dhamaan bulshada somaliland qaybaheeda kala duwan gudo iyo debedba si gaara waxaan salaamayaa haweenka somaliland ee laf dhbarka u ah bulshadeena.

maanta waxaan qalinka u qaatay qadiyad runtii bulshadeena ama mujtamaceena somaliland ee gudaha ku soo badanaysa sida ka muuqata tirakoobka sanadahan danbe laga soo saaray xaaladaa.

qadiyadaasu waxay tahay (Kufsiga iyo tacadiyada loo gaysto haweenka iyo caruurtaba) runtii waa arin xanuun badan oo xataa maqalkeeda aad ka yaqyaqsoonayso.

hadaba qadiyadaasi hadaynu dib ugu noqono taariikhdeeda waa mid aynu odhan karno waa arin iminka caalamku uu aad u hadal hayo khaasatan hay,adaha caalamiga ee xuquuqul insaanka, mid caalamiya iyo mid maxaliyaba qayla dhaan ka muujiyeen,meela badan oo caalamka ka midana ay ku sooo badatay khaasatan marka aynu ka hadlayno somaliland iyo somaliyaba.

mushkiladu waa mid faracyo badan oo u baahan in meelahay ka unkamayso xal horta loo helo iyo sababaha dhalinaya,intaynaan is waydiinin yaa ku kaca arinka,se yaa lagula kacaa,maxaa sababa ayaa muhiima inaynu is waydiino?????

si caama:

  1. horta mushkilada noocaasi waxay ka dhalan kartaa mujtamacaadka ay soo waajahdo dagaalo siday dooontoba dagaaladaasi how dhacaane.
  2. xaalad amni daro ah oo ka taagan wadan xataa hadaanu markaa ku jirin xaalad dagaal.
  3. aqoon diiniya oo dhaba oo qofkaa ka qabta arinkaa iyo akhlaaqiyaadka mujtamacaa oo luma ,markaan qodobkaa soo koobo waa mujtamacaadka ay macaasidu ku badato.
  4. jahliga ,mujtamacu markuu u badanyahay ama ku badanyahay jahligu aqoonta iyo tacliintuna ku yartahay wax waloo xad guduba wuu u noglaan karaa.
  5. xakamaynta ama qawaaniinta xaaladaha noocaasa qabta ama ciqaabta oo aan mujtamacaa u cadayn sidaytahayna hadaabay jirto oo u taalo aan loo fulin ama loogu fulin shakhsigaa gaystay denbigaa..waana ta haysata maanta bulshadeena somaliland.
  6. wacyi daro ka jiri karta mujtamacaadka iyo baylaha badan oo ka muuqata yadoo ay gabtay jihadii markaa masuulka ka ahayd qaybtoodii.

arimaha noocaasi iyo qaar kaloo badani way u noqon karaan sababo uu u dhici karo kufsigu si dadban iyo si toosaba.

hadaba mujtamaceena somaliland maxaynu odhan karnaa asbaabahaa wax baa kaga jira oo saamayn ku yeelan karta in qadiyadaasi inagu badato ,waxaan odhan karaa qodobka 1iyo 2 mooyaane inta kaloo dhami waan u arkaa ra,yigayga inay saamayn wayn ku leedahay qadiyadaasi inay inagu soo badato .

suaalaha danbee is waydiinle waa laba:

  1. yaa kukaca iyo
  2. yaa lagulakacaa ama loo gaystaa dhibtaa oo u nugul?

1- kuwa ku kacaa horta waa raga sida cad ee muuqata nooc walba le, mid yar iyo mid waynba ,lakiin waxaa u baahan sharaxaad kooban in horta ay afraadaasu laba nooc tahay

A- shakhsi noloshii ka dhacay oo aan waxba xeerinayn akhlaaqiyaadkii iyo waasic diinigiina ka aradan oo ulakac iyo kas u samaynaya arintaa dana ka lahayn dhibta qofkaa uu gaadhsiinayo .

B-Shakhsi isaga ay u gaynayso inuu gaadho uun raqbadiisa si walba badankana u badan dhalinyarada dariiqii saxa ahaa ka baydhay tarbiyad wanaagsana ama daryeel waalid iyo mid mujtamacba aan helin .kan waxaan odhan karaaba waa ciyaayir baa u geeya isagoon ogaynba ama ahamiyad siin dhibta ka imanaysa isaga iyo shakhsiga muctadiga ahba.

2- yaa lagula kacaa ,way cadahay cid dhibtaa loo gaystaa waa laba qolo oo u nugul dubwaloo dhacda,waa haweenka iyo caruurta.

hadaba mujtamaceena markay mushkiladaasi sidaa iminka laga soo werinayo ay inoogu badatay , maxaa xalku yahay?

  1. in horta waciyi gelin balaadhan la sameeyo mujtamacoo dhan qaybihiisa kala duwan ilaa iskuulada.
  2. dhibta kalee u baahan in wax laga qabtaa waa ta xeerkan dhaqan ee xuquuq badan dadka noocaasa ama dhibanayaasha ka lumiyey marka lagala baxo qadiyada hay,adaha u gaarka ah ee la geeyo geedka,,,AKHRISTOW WAA SUAALE??? MA MACQUULBAA IN QOFKII HAWEENKA AHAA EE DHIBTAA IYO XANUUNKAA LOO GAYSTAY LAYAAHO KII UGAYSTAY HALOO XAREEYO!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! miyaanay ahayn meelka dhac iyo dulmi.
  3.  in la cadeeyo oo la qeexo ciqaabta ay mutaysanayaan dadkaasi ama mujrimiintaasi laguna baahiyo saxaafada.
  4. dadka oo u soo noqda akhlaaqdii iyo diintii aynu sida fiican ugu dhaqmi jiray wakhtigii hore taas oo inoo suurta gelisay inaynaan aqoonba ama ay aad inoogu yarayd dhacdooyinka noocani .
  5. waxaa inagu cusub oo layaable caruurta oo loo gaysto tacadiga noocaasa arintaa waa in si adag looga hortagaa.
  6. In xal amniya iyo mid bulshaba laga gaadho da,yartan iminka magaaloyinka waawayn kusoo badanaysa ee dhibaatada badan ku haysa bulshada kuwaas oo koox koox isuraaca tacadiyo uu kufsiga iyo qadiyadan aan ka hadlayo gaysta badiba ,yaga laftooduna is dhibaateeya oo dagaalama.

Guntii iyo gabagabadii waxaan ku adkaynayaa xukuumada maanta talada haysa iyo mujtamacaba qadiyadaa hadaan maanta wax laga qaban way inala fogaan ,in la xakameeyo weeye oo dhaqankan xunee arinka laga saarayo hay,adaha u gaarka ah ee geedka lala tegayo la joojiyo ,ciqaabtu waa inay ku cadaataa oo uu gartaa qofka gaystay dhibtaasi inay ciqaabta noocaasi u danbayso.

saxaafada waxaan leeyahay arintan waa inaa si fiican u soo bandhigtaan oo laga qayb geliyaa hay,adaha xuquuqil insaanak ,aqoonyahanka,culumaau diinka ,siyaasiyiinta,haweenka ,oo mujtamaca laga wacyigeliyaa lana lafa guraa arinka sida ugu dhakhsaha badana loo guda galaa.

allaa Mahadlle…

abdirashid osman
abdirashidsmn@yahoo.com
Dubai 00971506972985