Sheekh Barbaraawi ayaa salaadii jimcaha ee masjidka madina ee magaalada hargaysa kaga hadlay xaraantinimada iyo sida aanay u banaanayn xayaysiisyada ka hor imanaya shareecada islaamka ee ka baxa warbaahinta.

Sh. Barbaraawi waxa kale oo uu ka hadlay dhalinyarada magaalada hargaysa ku qabatay bandhig ay ku xayaysiineyaan dharka oo sida ay sheegeen ay ku caawinayaan walaalohooda abaaruhu saameeyeen.